Sida ay xog aan soo baarnay sheegayso waxaa in kabadan 20 wadan aqbaleen ama heli doonaan adeega Starlink xogtaan ayaa ka arki kartaa khariidadda caymiska rasmiga ah ee adeegga.
Starlink waa satellite oo balaaran waxaan leh shirkada sida gaarka ah loo leeyahay ee dayax gacmeedyada ee Elon Musk, adeegaan ayaa taageera siiya in kabadan 3,000 oo low-earth orbit satellites.
Dayax-gacmeedyada Starlink oo ku yaal meel aad uga dhow oogada Dhulka marka loo eego satalaytka juqraafi ahaaneed ee Internet-ka ee caadiga ah, Starlink waxay bixisaa xawaare aad uga sarreeya iyo sidoo kale jawaab soo celinta service- ka oo aad oga saraysa dayax-gacmeedyada caadiga.
tijaabadii la sameeyay iyo falcelintii dadkii horay u iibsaday ayaa noqotay mid farxad galisay shirkadda Starlink iyo macaamiisha haminaysay in ay iibsato adeegaan.
projectigan Starlink waxaa uu waxbadan ka badalay kana badali doona xawaaraha dunida ee internet ka waxaa uuna qayb wayn ka yahay sibadalka ku socda Teknoolajiyada dunida.
adeegaan ayaa caawinaya dadka uusan gaarin internet-ka ee ku nool baadiyaha iyo kuwa aan awooda u lahayn soo jiidashada internet ka fog.
Starlink waxaa leh Elon Musk oo ah taajirka wayn ee ku dhashay dalka Koofur Africa sidoo kalana asaasay shirkado badan oo guulaystay iminkana lawareegay milkiiliyada shirkada aad ka ubalaaran ee baraha bulshada loona yaqaan Twitter, reer Koofur Africa waxay ay filaayeen in Elon uu mashruucaan ku bilaabi doono dalkiisa hooyo oo uu adeegan wayn dib ugu soo celin lahaa bulshadiisa laakiin taasi madhicin wax hormar ahna iminka kama muuqdo, inkastoon la ogayn sida wax noqon doonaan mustaqbalka.
waxaa mudan in laga hadlo Starlink iyo Somalia sidaan ka soo helay macluumaad aan helay Somalia ma aysan qaadan adeegaan mana codsan, halka wadamada dariska la ah lagalin doono sandankan 2023 dhexdiisa ama dhamaadkiisa.
Koofur Africa waa dal wayn oo hormaray marka loo fiiriyo Africa oo ay ku taalo balse malaga yaabaa in Soomaaliya oga hormarto gadashada Starlink?
Halka hoose noogu reeb fariintaada Mahadsanid!.
ku bilaaw maalintaada habraaca wararka kusalaysan dhaqaalaha, ganacisiga, caafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤