free tracking
/

DF oo sheegtay in Khawaarijta laga dilay 200 oo dagaalyahan

Start
1 min read

[Gobolka Hiiraan]

Ciidamada dowladda iyo Ciidamada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay la wareegeen Saldhigii difaac ee ugu weynaa Khawaarijta oo ku yaallay Gobolka Hiiraan, kaasoo ku dhow xaruntooda degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal culus oo billowday shalay subax ayaa soo gaaray illaa xalay, waxaana dhowr jeer lagu dagaalamay degaanno ka tirsan degmada Jalalaqsi, markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo ka war helay in ey Khawaarijta isku arursanayan halkaasi.

Saraakiisha iyo Ciidamada degaanka ayaa sheegay inay ugu danbeyn khawaarijta Al-Shabaab ee ka qabsadeen saldhiggii ugu weynaa ee Ceel-hareeri oo 20 KM u jira degmada Aadan Yabaal oo laga difaacayey, ayna gaarsiiyeen khasaare fara badan.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in dagaalka ay barbar socdeen duqeymo dhinaca cirka ah, isla markaana lagu dilay 200 oo xubnood.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay bur buriyeen saldhigyo ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen ayna sii wadi doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saaratyo guud ahaan ďalka Soomaaliya.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka qarxay kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana deegaanadaas kooxda looga dilay dagaalayahano badan waxaana sidoo kale laga qabsaday deegaano badan oo ay gacanta ku heysay sanado badan.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.