[Garawe]
Saciid Cabdulahi Deni madaxweynaha maamulka Puntland ayaa qasriga madaxtooyada Puntland ku qaabilay walkiilo kasocday beesha caalamka oo uu hogaaminaayo Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, waxaana socodkaas ku wehlinaayay madaxa ugu sareeya hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo madaxa xafiiska qaramada midoobay ee Puntland, Guy Griffin.
Kulankan oo mudo socday ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ka mid ahayd sidii beesha caalamku door muuqda ugu qaadan lahayd ka jawaabidda xaaladda abaarata iyo u gargaaridda shacabka abaartu saamaysay ee Puntland, waxaa kaloo kulanka looga hadlay amaanka iyo dardargalintadimuqaraadiyeynta, sidoo kale waxaa laysku soo qaaday oo kulanka looga hadlay mashaariicda hormarineed ee hay’addaha caalamka ah ka qadaan Puntland.