free tracking

Deni oo amray in la jojiyo iibinta bugagta manhajka Dugsiyada sare

Start
1 min read

[PUNTLAND]

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amray in la joojiyo in la iibiyo buugaagta manhajka waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda, sida uu sheegay.

Madaxweyne Deni ayaa faray mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

Amarka madaxweyne Deni ayaa kusoo aaday, iyadoo aad looga cabanayay lacag $55 oo ay wasaaradda waxbarashadu kusoo rogtay qaadashada buugaagta manhajka waxbarashada.

Cabashada waalidiinta ayaa gaartay madaxweynaha Puntland, kadib markii baraha bulshada ay kasoo muuqdeen waalidiin danyar ah oo aad uga cabanayay inaysan bixin karin lacagaha buugaagta lagu iibsanayo.

Wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Axmed Xasan ayaa dhowaan sheegay inay waalidiinta ka qafiifiyeen lacagta buugaagta, isagoo sheegay in si tartiib ah uu isaga bixin karo waalidkii aan awoodin inuu buugaagta halmar iibsado.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.