free tracking

Deni oo aan si aan laga filayn oga hadlay weerarkii Boosaaso 

Start
1 min read

[Puntland]

Saciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa xalay daahfuray shirwaynaha gurmadka abaaraha, isagoo shirar kala kale layeeshay ururada bulshada rayidka ah ee Puntlan.

Xafiiska madaxweynaha ayaa shaaciyay in Denu uu kala hadlay ururada bulshada kaalintooda ku aadan ka qaybqaadashada abaaraha iyo gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu saameeyeen.

Ururada bulshada ayaa madaxweynaha oga mahadceliyay dadaalada uu wado ee ku aadan abaarah, iyagoo si gaara oga mahadceliyay lagactii $1Million ka ah, ee uu caawa madaxeynuhu go’aamiyay in gurmadka lagu bilaabo, waxayna taas dhiirigalinaysaa in bulshadu kawada qayb qaadato gurmadka.

Kulanka waxaa madaxeynaha ku wehlinayay ku xigeenkiisa iyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan abaaraha Cabdiraxman Cabdi Shakuur Warsame.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa ka hadlay arinta Boosaaso ayaa sheegay in madaxeynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka aysan ka war qabin arintaas ayana ku koobneyd gudoomiyae ku xigeenka aqalka Hoose, Sacdiyo Yaasiin Samatar.

“Isla markii aan xogtaas helay waxaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, wasiirka Gargaarka iyo ergayga abaaraha waxayna ii sheegeen in aysan war u hayn,” ayuu caddeeyay.

Sidoo kale waxaa uu sii raacshay “Diyaaraddii Boosaaso qof ogaa ma jirto, diyaarad aan mamnuucnay ayeyna ahayd, Deeqdii Garoowena dad gaara baaba yiri anagga ayaa naloo waday”.

Dad ku dhow 20-qof oo isugu jira shacab iyo ciidan ayaa ku dhintay shaqaaqadaas ka dhacday Boosaaso.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.