[Puntland]
Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta amray in diyaaradii ay lasocotay ay cago dhigato Garoonka Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ahna Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee baarlamaanka Faderaalka, deeqadana la dajiyo oo loo qeybiyo bulshada Puntland ee loogu talogalay.
Amarka Madaxweyne kuxigeenka, waxaa si cad u diiday xubno kamid ah golaha wasiiradda oo kusugnaa magaalada Boosaaso, kuwas oo amar ka helayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo saraakiil katirsan ciidamada Imaaraatka Carabta ee kusugan Puntland.
Isku dayga Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha ayaa meelmar noqon waayey, isagoo Isimadda u sheegay in diyaaraddu dageyso, Deeqdana laga dajinayo oo bulshadii baahida u qabtay la gaarsiinayo.
Sacdiya Salaad xaaji samatar ayaa todobaadyo kahor ka dajisey magaalada Garowe, isla deeqdaan gargaarka oo kale, taas oo ay dawladdu la wareegtay, warar madax banaan ayaana cadeynaya in dib suuqyada looga iibiyey deeqdas oo koobnayd markii horeba.
Tani ayaa culeys siyaasadeed & Khilaaf hor leh soo kala dhex gelin karta Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo dhawaan ka heshiiyey xurguf soo kala dhex gashay.