Tehran]
Madaxweynaha dalka Turkey-ga Recep Typ Erdogan ayaa gaaray dalka Iran, waxaana halkaas dhawaan kafurmi doona shir udhexeeya dalalka Turkey, Iran Ivo Ruushka.
Kula wadamadan xulufada ah ayaa kusoo aadaya xili uu madaxeynaha dalka Maraykanka Biden uu booqasho kumarayo bariga dhexe, halkaas oo uu kawado kulamo kala duwan oo uu layeelanayo hogaamiyaasha wadamada carabta.
Kulankaan ay sadexdan dal oo kamida dalalka looalanka adag kala dhexeeyo Reer Galbeedka ayaa shirkooda lafilayaa inay diirada ku saaraan xiisadaha ka socda caalamka oo ay ugu horayso dagaalka Ukraine, cuna yarida kusoo siyaaday caalamka iyo sara kaca shidaalka, sidoo kale waxaa ay hogaamiyaashaan lasocdaan dhaqdhaqaaqa reer galbeedka oo wada xulufaysi siyaasadeed iyo in ay gacanta kudhigaan dhamaan wadamada Carabta.