DEG_DEG
Gudoomiye ku xigeenka aminiga iyo siyaasada gobolka banaadir Cali Yare Cali ayaa ku dhawaaqay in wixii maanta ka danbeeya loo dulqaadan doonin ganacsatada Soomaaliyeed ee uruka nabad diidka siiya lacagaha.
sida uu warka udhigay Cali yare Cali ayaa sheegay in lacagta ay bixiyaan ganacsatada Soomaaliyeed lagu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed, mar uu booqday isbitaalka Madiina oo lagu dabiibayo dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxii ka dhacay soobe 29-ka bishaan Oct, ayuu sheegay in aysan shacabka iyo dowladuba udul qaadan doonin ganacsatadaas.
“Marka ay naga dhamaato howsha gurmadka ah ee aan ku taageereyno dadka dhaawaca ah, waxaan sameynaynaa kacdoon ka dhan ah ganacsatada, waxaan xireynaa Suuqyada waaweyn sida Bakaaraha, Suuq bacaad iyo Suuqyada kale inta ganacsatadu ay ka shaacinayaan iney joojiyeen dhaqaalaha ay siiyaan argagxisada arxabka daran” ayuu yiri Cali Yare Cali.
waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan oo meel oga soo wada jeestaan la dagaalanka Nabad-diidka iyo ganacsatada dhaqaalaha ku bixiya xasuuqa shacabka.