free tracking

Deg-deg: Xamze oo lagu wado in uu magacaabo golaha wasiirada  

Start
1 min read

[Mogadishu]

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wada wadatashiyadii ugu danbeeyay ee ku aadan magacaabida golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, Kulamadan ayaa waxaa uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaysa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu kordhiyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Xamza uu doonayo in wasiirada uu gaarsiiyo illaa 30 xubnood, halka markii hore ay ahaayeen 26 Qorshaha wasiirka koowaad ee xukuumadda cusub ayaa ah inuu soo kordhiyo ugu yaraan illaa 4 wasaaradood oo mid ka mid ah ay tahay wasaaradda deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, kadibna uu horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo meel-mariyo.

Xukuumadda cusub ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreyso wax ka qabashada ammaanka iyo xaaladaha abaareed ee haatan ka jira dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May oo uu ku soo baxay Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay hoggaanka dalka.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.