weerar Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday Guriga Martida ee oo ay deganyihiin masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka.
weerarkaan lagu qaaday guriga maritida ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhaawacmeen gudoomiyaha gobalka Gedo iyo Abaanduulaha qaybta 43aad.
waxaa weerarkaan lagu sheegay in ay qaadeen kooxda nabad diidka oo dhowr jeer hore isku dayay weeraro noocaano kale ah.
dhanka kale weerarkaan kadib, laamaha amaanka ee Jubbaland wax war ah kama soo saarin .
wararkeena danbe ka filo wixii soo kordha.
Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan Dhaqaalaha, Ganacsigayada, Maaliyada, Caafimaadka iyo Teknoolajiyada.
Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤