[Rwanda]
Wafdiga ka kooban Agaasimayaal iyo La-taliyeyaal farsamo oo ka socda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo booqasho aqoon korosi ku jooga dalka Rwanda ayaa kulamo Aqoon kororsi la qaatay dhigooda Dawladda Hoose ee Kigaali.
Aqoon kororsiga labada dhinac ayaa la xariira Arrimaha qorshaynta, fulinta Siyaasadaha, Maamulka Mashaariicda, dib u dhiska wadooyinka, Bulaacadaha, shaqo abuurka, kobcinta, ganacsiga, iyo iskaashiga ganacsatada iyo Dawladda.
Wafdiga ka socda Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Xafiiska Hey’adda iskaashiga Rwanda (Rwanda Cooperation) iyo Xarunta dhexe ee Waaaradda Dowladaha hoose ee Dalka Rwanda halkasi oo ay saraakiil sarsare ee Wasaaradda ah iyo kuwa Hey’adda kaga dhageesteen warbixinno ku saabsan hawlaha iyo adeegyada ay qabtaan.
Dhinaca kale Wafdiga ayaa kulamo la qaatay saraakiil ka mid ah dawldda Hoose ee Kigali oo ay is dhaafsadeen xogo iyo macluumaad aqoon is-weedaarsi la xiriiro hawlaha Dawladda Hoose ee Kigaali iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyadoona maalmaha soo socda uu Magaalada Kigali kasii socon doonno kulamada Aqoon is-weydaarsi ee labada dhinac.
Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daahfuray kulamo Dadweyne oo ay Shacabka Gobolka Banaadir ku taageerayaan Kacdoonka Shacabka iyo midka Ciidamada Qalabka sida ee ka socda Gobolada dalka, kaasi oo dalka lagaga xorreynayo kooxaha Khawaarijta.
Kulankaan ayaa galabta lagu daah furay Degmooyinka iyo Deegaanada Qeybta Bari ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Bulshada Gobolka Banaadir ee Caasimada Magaalada Muqdisho kula dardaarmay in ay qeyb ka noqdaan Kacdoonka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta iyagoo la shaqeenaya Laamaha Amaanka si looga hortago dhagarta Kooxaha Argagixisada.