free tracking
//

Dagaal culus oo Garowe ka qarxay iyo wax yaabaha Sababay

Start
1 min read

Garowe

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal goordhow ka qarxay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka Puntland iyo sidoo kale kuwa mucaaradka ee ku sugan magaaladaas.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu hadda ka socdo xaafado ay ka midyihiin xaafadda Kowda Agoust, baarlamaanka, illaa jidka Soddonka ee magaalada Garoowe.

Lama qiyaasi karo ilaa iyo hada qasaaraha inta uu la eg yahay, balse dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka oo isaga barakacay xaafadaha qaar ee magaalada Garoowe oo indhowanahaan uu dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ay ka jireen.

Dagaalkan ayaa waxaa sababay in mucaaradka ay diidan yihiin in la furo dastuurka Puntland oo ay haatan doodiisa u fadhiyaan xildhibaanada golaha wakiilada ee maamulkaasi.

Ilaa iyo hada ma jiraan wax hadalo ah oo kasoo baxay labada dhinac ee is heesa oo ku aadan xiisadda dagaal ee ka socota Garowe, Laman oga sida ay wax noqon doonaan balse xaaladda ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan halkaasi.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.