[Muqdisho ]
Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray ciidamo cusub oo kamid noqonaya booliiska ATMIS , ciidankan oo ka socda dalka Nageria ayaana bedelaya ciidamo kale oo dalkaasi ka socday oo dhameestay mudada howlgalkooda.
Ciidankan cusub ee katirsan ATMIS ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa gaaraya 160-askari , waxa ayna ciidankan taageero dhinacyo kala duwan leh u fidin doonaan ciidanka booliiska Soomaaliya .
Ciidamadan cusub ee ka yimid dalka Nageria ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa qaba tababar fiican sidoo kale diyaar u ah in booliiskla Soomaaliya gacan ka siiyaan sugida amaanka iyo sidoo kale dhanka tababarada.