[Mogadishu]
Ciidamada NISA ayaa qaaday tilaabo ka duwan kuwii hore iyagoo ka jawaabay cabashadii oga timid dad reer Muqdisho kuwaas oo dhac joogta ah loo gaysto, ciidamada oo xalay sameeyay tilaabooyin kala duwan ayaa gacanta kusoo dhigay burcad dadka deegaanka ugaysan jiray dhac iyo dilal.
Ciidamada NISA ayaa xalay hawlgalada ka sameeyay xaafadaha degmooyinka Howlwadaag, Warta Nabada, Yaaqshiid, Kaaraan iyo xaafada Gubadleey waxaana howlgalkaan hogaaminayay taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir.
Taliye Muxudiin Warbac ayaa dadkii horay dhaca loogu geystay ee lakulmay u balan qaaday in uu tuugadii dhacday cadaalada horkeeni doono.