free tracking
/

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo lagu wargaliyay in ay u diyaar garoobaan…

Start
1 min read

[Shabeelaha Hoose-News]

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kormeeray xerada ciidamada Bali-doogle ee kutaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka iyo taliyaha ciidanka ayaa si gaar ah u kormeeray xeryaha ay ku jiraan Ururada 4-aad iyo 64-aad ee ciidamada kumaandooska Dabab iyo Guutada 7-aad ee ciidanka xoogga dalka ,kuwaa oo fariisimo ku leh xerada ciidamada cirka ee Bali-doogle.

Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhiiga Soomaaliya, oo la hadlay ciidamada uu la kulmay ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka bilowday qaar kamid ah gobolada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka xoogga Soomaaliyeed laga sugayo fulinta howlgalo iyo dagaalo lagu soo afjarayo kooxda Al Shabaab, uu ku eedeeyay in dhibaato ku hayaan dadka Soomaaliyeed ,loona baahan yahay in la iska dulqaado.

Ciidamada kumaandooska Danab ee ku sugan xerada ciidamada Balli-doogle ayaa ah ciidamo si weyn loo diyaariiyay oo ay u dhan yihiin qalabkooda, waxaana ciidankan tababaray oo mushaaraaka siiya dowladda Mareykanka.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.