[Hishabeelle]
Wararka nasoo gaaraya iminka ayaa sheegaya in ciidamda dowlada fedraalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa maamulka Hirshabeelle iyo Galmudug ay maantay la wareegeen deegaano horleh oo dhaca gobolkaas, deegaanadaas oo ay horay umaamuli jireen kooxda Al-shabaab.
Duulaankaan waxaa horkacayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan mudane Cali Jayte kaasoo ay ku wahlinayeen gudoomiyaha maamulka Matabaan iyo Maxaas, dagaaladaan ayaana ka dhacay labadan deegaan.
“Deegaannada cadawga laga xoreeyay waxaa kamida ah Bada, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees iyo Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaashaday dowladda fedraalka, Dowlad Goboleedyada Hir-shabeelle iyo Galmudug” sidaa waxaa yiri guddoomiyaha Matabaan.