free tracking

Ciidamada DF Soomaaliya oo Alshabab kala wareegay deegaano horleh

Start
1 min read

[Hir-Shabelle]

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa maamullada Hir-Shabelle iyo Galmudug ay la wareegeen deegaanno horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalladaan ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan, waxaana ku wehlinayey guddoomiyeyaasha maamullada Matabaan iyo Maxaas, maadaama dhaq-dhaqaaqyada si gaar ah looga sameeyey labadaasi degmo.

Ciidamada huwanta ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanada kala ah:- Beer-Gidiid, Bacda, Jilacle, Hees iyo Madhoy oo dhammaan ka tirsan gobolka Hiiraan, sida uu shaaca ka qaaday Bashiir Cabdiraxman Sheekeeye oo ah guddoomiyaha Matabaan.

“Deegaannada Cadawga laga xorreeyay waxaa kamid ah Bacda, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees & Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug,” ayuu yiri guddoomiyaha Matabaan.

Sidoo kale wuxuu baaaq u diray hay’adaha samafallka oo uu ka dalbaday inay gurmad deg-deg ah la gaaraan dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada la xoreeyey.

“Hay’adaha Samafalka waxa aan ugu baaqeynaa in ay gargaar siiyaan Dadka Abaartu saameysay, waxa ay u baahan yihiin cunto, biyo iyo waxyaabaha aasaaska u ah dhanka Nolosha” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey guddoomiye Bashiir C/raxmaan Sheekeeye.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowlad goboleedka Hir-Shabelle.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.