free tracking

Ciidamada DF oo dilay Sargaal katirsan Al Shabaab

Start
1 min read

[Somalia]

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabelle ee howlgalada wadajirka ah ka wada deegaano hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa la wareegay deegaano dhoor ah oo gacanta Al Shabaab ku jiray.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada huwanta ah ee howlgalada ka wada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Al Shabaab kala wareegeen deegaano dhoor ah ay kamid yihiin Teedaan, Ragso, Xasan Raqay, Sulmo oo hoostaga degmada Maxaas.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi oo howlgalka ciidanka hoggaaminaya ayaa sheegay in ay dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab sidoo kale kala wareegeen kooxdaasi hub badan.

Jeneraal Biixi ayaa sheegay in ciidamada dileen hoggaamiyihii Al Shabaab ku qaabilsanaa aaga Maxaas ninka lagu magacaabo Maxamed Wehliye Waasuge, sidoo kale ciidamada nolosha ku qabteen dagaalyahano kale oo katirsan Al Shabaab.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.