[Mogadishu]
Howlgal ay sameeyeen ciidamada aminga qaasatan kuwa ka howlgala dagmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa saakay ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan rag hubaysan oo burcad ah, kuwaas oo dhib isugu jira dilal iyo dhac hanti u gaysan jiray dadka deegaanka.
Ciidamada oo helay xogta burcadkaan ayaa gacanta kusoo dhigay iyaga oo kolkaa dad shacab ah dhacayay,.
Sargaal ka tirsan ciidamada maamulka degmada Hiliwaa ayaa noo sheegay in ciidamada qabteen afar nin oo hubeesan oo dhacayay dad shacab ah, waxa uuna xusay in burcadaasi loo gudbiyay xarunta dambi baarista ee CID-da.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahan kusoo badanayay dad burcad ah oo dadka deegaanka ugaysta dhac iyo dilal, maamulka gobolka banaadir oo kaashanaya ciidamada aminga ayaa bilaabay howlgal balaaran oo looga hortagayo burcadaan