Qoraal uu goor dhawayd ku baahiyay facebook-giisa madaxweyne ku xigeen-ka Galmudug
Cali Daahir Ciid, ayuu ku sheegay in uu ka tanaasulay xilka Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, xilkaas oo uu raadinayay in isaga loo magacaabo.
Halkaan hoose ka aqriso qoraalkiisa
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaanba taageerayaashii, saaxiibadii, iyo mas’uuliyiintii Soomaaliyeed ee ila jeclayd, iguna taageertay qabashada xilka Ra’iisul-wasaaraha 21aad ee Soomaaliya.
Runtii kalmado qoraal ah kuma soo koobi-karo garab istaagiina, in aad ila jeclaateen iguna dhiirigaliseen mas’uuliyada sidaas u culus waxay ii muujinaysaa qiimaha aan agtiina ka joogo, waxaana mar kale idin leeyahay “Mahadsanidiin”
Waxaa uu sheegay in ka tanaasulay dadaalkiisa ahaa in uu noqodo wasiirka 1aad ee dalka, waxaana ku qanciyay Madaxweynaha qaranka waa sida uu hadalka udhigaye, waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha XSM oo igu qanciyay daruufo iyo caqabado kalifaat in aan fasaxo kursigaas, waxaana diyaar u ahay in aan si hufan ula shaqeeyo una garab istaago xukuumada cusub ee dhalan doonta.