free tracking
/

China waxaa ay xukuntaa algorithm-ka ay kugu tusin karto wax walba

Start
2 mins read

[Teknoolajiyad]

waxaa jira aalad aan si wanaagsan uwada garanayno taasoo loo yaqaan TikTok, laga yaabo markaad magacaas maqasho in aad dareento danbiile naftiisa qalad ka galay ama ugu yaraan uu waqti iyo energy oga lumay meel kale, meesha kale waxaan oga jeedaa TikTok oo ka daawato wax aan wax micna ah kuu samaynayn, TikTok waxaa iska kansalay ama dalkooda ka xanibay wadamo badan sida USA iyo India, hadaba ogaaw sabab ayaa jirta oo keentay xanibaadaas sababaha keenay xariyaadaas waxaa kamida in uu TikTok dhibaato hor leh kusoo kordhiyay wadamadaas iyo bulshadooda, sidaasna ay dowladooda oga xayirtay.
In uu TikTok keenay dhibaato waa mid aniga qoraalkan samaynaayo iyo adiga aqrinaaya uusan daah kasaarnayn.

hadaba aan usoo laabano dalkeena hooyo iyo bulshadeena, TikTok waxaa uu nagu soo kordhiyay oo faa’ida ah iima muuqdaan aniga, inkastoo qof walba oo abuuranaya account uu maalinka u horeeya kusoo galo hadaf iyo ujeedo asaga u gooni ah.

Halkaan hoose ka arag dadka Soomalida ee isticmaala TikTok iyo siday ukala baxaan

Rag iyo dumar sida loo kala badanyahay

Magacaygu waa Mukhtar Jalwa waxaan kamid ahaan jiray dadka ku xiran aalada TikTok qaasatan qaybteeda Shiinayska, aaladaan waxaan xasuustaa in ay ahaan jirtay meel aan u xiiso waqtina ku qaato inta badan anigu muuqaal ama maqal masoo dhigi jirin balse waxaan ku xirnaan jiray kale, inkastoo waqti badan iiga lumi jiray misana kama shalaayn-jirin maxaa yeelay ugu yaraan waxaan arki jiray shay aan horay u arag oo naftayda anfici kara ama waxaan arki jiray qof aan ku dayan karo.
ma Tiktok shiinayska ayaa kabadalan midkaan aan maantay daqiiqad markaan dawaano shalayto galayno ama danbi nafteena ka galayno?
jawaabta aan kusiiyo waa Haa, waxaa u dhexeeya farqi aad u wayn.
TikTok aan maanta haysano waa mid dadka caqliga u saaxiibka ahi ay layaabeen, waa mid waqti lumis badan misana wax faaida ah kuusoo kordhinayn, dib u xasuuso saacadii ugu danbaysay maxaad ka daawatay Tiktok-waqti yar qaaado oo dib u xasuuso-, waxaa kusoo baxay aan filaa qof hees iska duubay, mid dadka jidka iska maraya ama shaqadooda kujira Prank ku samaynaaya, gabar dabada ruxaysa, mid qaawan, qof waxaa uu kahadlaayo asagaba aqoon buuxda u lahayn, mid clips movies ah kuu soo jarjaray, iyo eray aad noogu caanbaxay oo ah Remember ahah.
waxaas oo idil in aad aragto sababteeda waxaa leh dowlada Shiinaha iyo xakamayn la’aanta naftaada, dhibaatada intaas noo sii dheer waa dowlad naga xakamayn karta
malihin oo dowladeena iyadaa gacanta kujirta waa taa madaxdeeda dhinacooda xaarka ka qasayaan, una muuqan madax dadkooda iyo dalkooda ushaqaynaya.

aan kaaga sheekeeyo Tiktok Shiinaha laga isticmaalo kaasoo gabi ahaanba kaduwan midkaan caalamka intiisa kale isticmaalaan, markaad Shiinaha joogto furtana Tiktok waxaad arkaysaa dhalin-yar facaaga ah oo abuuraya wax cusub, kuwa ku tartamay cilmiga noocyadiisa kala duwan qaasatan caruurta, kuwa Heros ah iyo dad barnaamij wax soo saar-leh qabanay.

aan dib ufiirino danaha uu Shiinuhu ka leeyahay arintaa.

in dalkooda markii lajoogo ay dadkooda tusiyaan barnaamijoyo wax soo saar-leh halka dadka dibada joogana ay tusiyaan wax aan macno lahayn, waa howl waqti iyo fikir dheer gashay waa howl qatiyo badan loo dhafray, App kaan markaad ka furto Somalia waxaa uu ku tusayaa videos loogu tala galay in aad aragto halka kuwa qaarna aadan arkayn oo lagaa qariyay, hadii aad Nairobi Kenya kafurtana waxaad arkaysaa videos loogu tala galay dadka Kenya jooga in ay arkaan oo kuwa somalia jooga aysan arkayn ama dalkale, wadan walbana sidaas ayay u control-aan.
Sababtaas ayaan uleehay China iyadaa control-sha algrothim-ka, dhalinyarta waxa ay rabto ayay tusinaysaa sidaasna waxa ay ku maamushaa maskaxda dhalinyada caalamka.
sidoo kale danta laga leeyahay waxaa kamida in wax walba oo xumaana nala noqdaan kuwa normal ah, waxaad arkaysaa qof hooyadiis ama aabihiis ku samaynaya Prank waxaad
arkaysaa qof soo dhigaya wax laga yaqyaqsado iyo kuwa daawanaaya oo ay latahay wax normal ah.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.