free tracking
/

Britain oo calanka hoos u dhigtay & baroordiiq 10 cisho ah oo lagu dhawaaqay

Start
1 min read

Dowlada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday 10 maalin oo baroor diiq ah waxaana la hakiyay dhamaan kulamada Siyaasada Ciyaaraha & Madadaalada ka dib geeridii ku timid Boqoradii dalkaas Queen Elizabeth II oo ahayd boqoradii ugu taariikhda dheereyd taariikhda Boqortooyada Ingiriiska taasoo ku dhimatey Qasriga Balmoral oo ku yaala Scotland.

Waxa hoos loo dhigay dhamaan calamada Boqortooyada Britain iyo afarta mandaqadood ee Boqortooyada Ingiriiska sidoo kale dalalka reer galbeedka qaarkood iyo mareykanka ayaa calamadooda hoos loo dhigay.

Boqoradu waxay ahayd 96 jir, 70 sannadood oo ka mid ah cimrigeeda waxay ahayd boqorad. Qoyskeeda ayaa ku sugan qasriga ay ku lahayd magaalada Balmoral oo ku yaalla Scotland.

Boqorada waxa la caleemo saarey oo taajka loo xiray sannadkii 1952kii, munaasabdii caleemo saarka ee waagaas waxay wax badan ka bedeshay qaab dhismeedka bulshada Britain iyo wadamada ay madaxda u ahayd.

Wiilkeeda curad Ameer Charles ayaa loo caleemo saarayaa Boqortooyada Britain. barxadda kasoo horjeeda dhismaha Qasriga Buckingham waxa ku suggan dad badan oo isugu jira bulshada Britain iyo dalxiisayaal.

Boqoradda ayaa la soo shaqaysay illaa 15 ra’iisal wasaare, laba maalmood ka hor, waxaa boqoradda geeriyootay ay xilka u kala wareejisay, ra’iisal wasaarihii hore ee UK Boris Johnson iyo ra’iisal wasaaraha cusub Liz Truiss.

Qasriga Buckingham hortiisa waxa lagu xardhayaa ogaysiiska dhimashada boqoradda, waxaana lagu daaabacay mareegta qasriga, iyada oo la isugu yeedhi doono Baarlamanka dalka Britain.

Meydka Boqoradda waxa maalmo gudahood lagu soo qaadi doonaa baabuur gaar ah, waxaana la keeni doonaa Qasriga Buckingham Palace.

Maalin kaddib dhimashada Boqoradda, golaha guddida Boqortooyada ayaa ku kulmi doona Qasriga St James’s Palace waxaanay ku dhawaaqi doonaan boqorka cusub.

Maalinta ay dhimatay boqoraddu waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah, siddoo kale maalinta la caleemo saarayo Ameer Charles waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.