Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday qasaaro balaaran oo ay wajahayso lacagtaan loo yaqaan cryptocurrency ee ah digital-ka, Binance oo ah madasha ugu balaaran ee haysa sidoo kalana kala wareejisa lacagaha cryptocurrency, ayaa la daala dhacaysa in ay sii hayso malaayiinta dollar ee lacagaha cryptocurrency-ga, kadib burburkii ku dhacay lacagtii FTX ee soo shaacbaxay dhamaadki sanadki tagay.
Xog aan ka helnay Defilama ayaa sheegtay in lacag dhan $360 million dollar in lala baxay jimcihii la soo dhaafay, culayska ay Binance wajahayso ayay qayb katahay arintaan.
13-kii Dec ayay ahayd markay soo shaac baxday warbixin sheegtay in Binance lumisay maal aduun gaaraya $3 Billion oo dollar, taas oo lasheegay in ay udhigantay 4% hantida shirkada Binance waqtigaas.
Sidoo kale intaan warbixintaan wax ka qoraynay waxaan ogaanay baaritaan ay samaysay Forbes in shirakada Binance lumisay maal aduun lagu qiyaasay 15% hantida shirkada kadib post uu twitter soo dhigay madaxa shirkada Binance Zhoa oo layaaqaan (CZ) kasoo dafiray xogta ay daabacday Nansen oo maalintaas daabacday in cryptocurrency wajahayso culays sidoo kalana Binance wajahayso qasaaro, Forbes waxaa ay wax ka waydiisay arintaan Binance balase wax warbixin ama jawaab ah kama soo bixin shirkada Binance.
Sanadkaan bilawday ee 2023 sanad wacan uma ahan lacagahan digital-ka ah.
Mardhow ayaan daabici doonaaa warar ku salaysan dhaqaalaha iyo isbadalka lacagahan digital-ka ah.
ku bilaaw maalintaada habraaca wararka kusalaysan dhaqaalaha, ganacisiga, caafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤