free tracking

Bangiga dhexe ee Somalia oo maantay shati siiyay labo Bank

Start
1 min read

[Mogadishu]

Bankiga dhaxe ee Soomaaliya ee xaruntiisu tahay Muqdisho ayaa markii ugu horeysay warqadda ogolaanshiyaha in ay ka shaqeeyaan gudaha dalka siiyay laba banki oo ajnabi ah oo laga leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga.

Shir ay yeesheen guddiga maamulka Bangiga dhaxe ee Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay in warqada ogolaanshaha ay dalka uga shaqeenayaan la siiyo labada bangi ee kala ah Bangiga Masar iyo Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maanta shati siiyaan labo Bangi oo caalami ah si ay dalka uga shaqeeyaan.

Labadan Bangi ee laga kala leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ajaaniib leedahay oo dalka ka howlgala, waxaana labadan bangi la filayaa in wax badan kusoo kordhiyaan hannaanka maaliyadda dalka

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.