free tracking

Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay 100 Milyan

Start
1 min read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson ayaa kala hadlay xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Kristina Svensson ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda, iyadoo ku ammaantay Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada, waxa uuna Bangiga Adduunka ugu baaqay in kala shaqeynayo Dowlad casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii Madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Bangiga Adduunka xoojinta  tageerada Soomaaliya.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.