free tracking

Baarlamaanka JFS oo manta yeeshay kulan isbarasho

Start
1 min read

[Muqdisho]

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa ayaa maanta waxay kulan isbarasho iyo kala warqaadasho ah, la qaateen howl-wadeennada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kuwaas oo uu Guddoomiyaha ka dhageystay warbixin ku aaddan marxaladaha kala duwan oo ay ku shaqeeyaan.

Guddoomiyaha ayaa dhammaan shaqaalaha Baarlamaanka kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan shaqada ay u  hayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu yiri,

“Waxaan kulan isbarasho iyo xog-wareysi ah la qaadanay guud ahaan shaqaalaha Kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS, anigoo ka dhageystay warbixino Ku saabsan hanaanka shaqada, gudashada waajibaadka shaqo iyo sidii ay u laba jibaari lahaayeen shaqooyinka ay u hayaan Qaranka”

Guddoomiyaha ayaa shaqalaaha mid mid loogu yeerinaayay magacyadooda. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa shaqaalaha u sheegey  inay jiri doonaan kulamo kale uu la yeelan doono waaxyaha shaqaalaha maalmaha soo socda si kor loogu qaado hufnaanta shaqada iyo dardar gelinta howlaha hortabinta u leh Golaha Shacabka Afarta sano ee soo socota.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.