free tracking

Baarlamaanka ayaa ansixiyey codsigii Ra’iisul wasaaraha

Start
1 min read

[Muqdisho]

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka dooday magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiirada Soomaaliya, ayaga oo go’aan cusub soo saaray, kadib kulankooda.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray illaa 145 mudane oo ka tirsan golaha, waxaana shir guddoomisay Sacdiyo Yaasiin oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Ugu horreyn waxaa xildhibaanada Soomaaliya loo aqriyey warqad ka timid xafiiska ra’iisul wasaaraha, taas oo uu ku dalbaday in muddo 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro waqtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirada cusub, maadaama muddadii 30 maalmood ahaa uu u haystay ay ka dhammaatay, waxaana qoraalka aqriyey xoghaye Cabdikariin Buux.

“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.” Ayuu ku xusay Ra’iisul Wasaaruhu codsiga uu u diray Baarlamaanka.

Kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag u qaaday codsiga ra’iisul wasaaraha, waxaana ogol u codeysay 144 xildhibaan, halka uu diiday hal mudane, sida ay shaacisay Sacdiya.

Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku la qaateen Xamza qorshihiisa muddo dheereysiga ah.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.