free tracking
///

Baaq isku mid ah oo loo diray labada madaxweyne ee Somali iyo Kenya

Start
1 min read

[News]

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi, oo booqasho ku yimid Soomaaliya iyo Kenya, ayaa ka hadlay xaaladaha abaareed ee ka jira dalalkaasi, kuwaa oo sababay in dad badan ka barakacaan deegaanadooda.

Filippo Grandi oo siyaabo kala duwan ula kulmay madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin deg deg ah si loo yareeyo dadka tirada badan ee ku barakacaya abaaraha iyo colaadaha.

Waxa uu sheegay Mr Grandi in dad ka badan hal milyan iyo bar qof qasab ku noqotay in ay isaga hayaamaan guryahooda oo kuyaalla dalalka Soomaaliya iyo Kenya, sababo la xariira abaaraha daran ee jira iyo roobkii oon u da’in sidii la filayay.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi, ayaa ugu baaqay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya in ay gacan ka geestaan gacan siinta dadka abaaraha barakiciyeen iyo xal u helida abaaraha soo noqnoqday.

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhacay abaaro saameyn badan ku yeeshay dad iyo duunyo, waxaanma wali jirta cabsi laga qabo in ay kororto saameynta ka dhalatay abaarta labadasai dalka ku dhufatay.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.