[Update]
waxaa maantay ay ciidamada amaanka Jubbaland magaalada Kismaayo kabilaabeen howlgalo ka duwan kuwii horay looga bartay magaalda, kuwaasoo lagu xaqiijinayo amaniga xaafado badan oo kamid ah magaalada
Howgaladaan ayaa ujeedkoodu uu yahay sidii loo adkeyn lahaa nabadgelyada magaalooyinka Jubbaland, loogana hortagi lahaa dhagarta kooxaha khawaarijta ah ee al shabaab.
Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa shacabka faray in ay si dhow ula shaqeeyaan islamarkaana ay lasoo wadaagaan hadii ay arkaan xogaha falalka amni darada ah ee ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah ee diidan nabadda iyo horumarka dalka.
Baabuurta dadka ay isticmaalaan ayaa la weydiinayey aqoonsi iyadoo su’aalo la xiriira amniga la weydiinayey dadka la socda gawaarida waxaan ciidamo hubeysan ay magaalada buux dhaafiyeen saacadihii lasoo dhaafay.
Al Shabaab ayaa bishii hore ee October waxay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen Hotelka Tawakal ee kismaayo ku yaalla halkaas oo ay ku dileen shacab kusugnaa gudaha hotelka oo muddo saacado ah ka dhex dagaalamayeen seddex nin oo naftood haligayaal ahaa kana tirsanaa Argagaxisada.