free tracking

Axmed Madoobe oo maanta lagu soo dhoweeyay Degmada Dhoobley

Start
1 min read

[Dhoobleey]

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaaladda Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo dhawaan golaha wasiirada maamulkaasi ay degmonimo u aqoonsadeen.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa si weyn usoo dhoweeyeen bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana uu sheegay in uu la kulmi doono Madaxda Dagmada iyo Odoyaasha dhaqanka, waxa uuna sheegay in uu kala tashan doona dadka ku nool Degmada iyo deeganada hoos yimaada sidii ay usoo dooran lahayeen dadka maamulaya gaar ahaan golaha deegaanka.

Golaha wasiirada ee Jubaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.