free tracking

TikTok waxay kor u qaadaysaa dhirirka videos-ga ilaa 10 daqiiqo 

Start
1 min read

Arintaan ay TikTok ka shaqaynayso hadda dhacdo waxay shirkadda usuura galinaysaa in ay tartan adag lagasho YouTube oo ah shirkadda iminka ugu wayn markay noqoto muqaalada baraha bulasha.

Shirkadda TikTok oo ah shirkad ku caana isu gudbinta muuqaalo gaagaaban, madashaan oo ah mid uu isticmaaluhu kusoo bandhigi karo muqaalo gaagaaban kuwaasoo gaari kara 60 ilbiriqsi ilaa 3 daqiiqo, TikTok ayaa maantay u gudbaysa in ay dhirirka muuqaaladeeda gaadhsiiso 10 daqiiqo.

Sidoo kale waxay shirkaddu gaadhay siyaado dhanka isticmaalayaasha ah, Tiktok ayaa waxay macaamiisheedu iminka gaareen 1 Billion.

Hormarkaan ay TikTok ka shaqaynayso hadda waxay shirkadda usuura galinaysaa in ay tartan adag lagasho YouTube oo ah shirkadda iminka ugu wayn markay noqoto muqaalada baraha bulasha.

Muhim :- hadafka shirkaddu ma ahan mid dhow waxay TikTok doonaysaa in ay meesha ka saarto muqaal aruuriyaha baaxada leh ee YouTube, taasoo bishaan samaysay lacag ku dhow $29 Billion oo dollar.

-hal abuurayaasha muuqaalda TikTok waxay caan ku yihiin soo gudbinta muuqaalo gaagaaban, ma cadda sida ay xirfadooda ugu soo gudbin doonaan muqaalo dhaadheer.

-waxaa intaas sii dheer TikTok waxay daawadayaasheeda oga sii baahaan doontaa in ay ku tabarucaan waqti siyaado ah (more screen time).

Gunaandki!

Waxaa sanadadaan soo badanayay hormarka laga gaarayo dhanka social media, waxaan xasuusanaa in TikTok sanadki hore ay ku soo kordhisay barteeda in daqiiqadaha lagaarsiiyo ilaa 3 daqiiqo, sidoo kale facebook, Instagram iyo Snapchat ay kusoo dareen muuqaalo gaagaaban, waxaa iyana xusid mudan in YouTube ay iyana sanadkii tagay ay soo kordhisay muuqaalo gaagaaban(short Videos), tilaabadaan ay hadda qaadayso TikTok ayaa u eg mid qayb wayn ka cayaari doonta isbdalka u dhexeeya tartamaayasha baraha bulshada maamula.

Fiiro gaara:- hadaad tahay qof inta badan isticmaala TikTok waxaad ogaata in aad tabaruci doontid waqti siyaado ah, maadaama daqiiqadihii yaraa la kordhiyay.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.