free tracking
//

Apple waxaa ay burburisay ganacsiyo cusub kadib markii ay..

Start
2 mins read

[Dhaqaalah-Tech News]

Apple waxaa ay dishay ama meesha ka saartay ganacsiyo cusub.
Aan aadno dhankaa iyo dhaqaalaha saakay, sidaan lawada socono waxaa soo baxay iPhone 14-tiin, haba soo boxo maxaa yeelay waan filaynay oo sanad kasta waxaan shirkada oga baranay in ay soo saarto iPhone cusub, taleephanka soo baxay wax sidaa uwayn ogama badalna kii hore ee iPhone 13-tiin, haday noqoto Design iyo hadii ay noqoto qiimaha.
balse mawduuca xiisaha ii leh ee aan halkaan oga hadli doono waa Software-ka cusub ee 16, developers-ka shirkada Apple waxaa ay sameeyeen isbadalo badan oo aan halkaan kusoo koobi karin, balse aan soo qaadan doono mid kamida kaasoo ah kan ganacsiyadaan yaryar ee cusub hawada ka saaray.
maxaad samayn lahayd hadii hab cusub oo lagu soo daray iPhone-kaaga uu burburinayo ganacsigaaga?
inta aysan dhicin Apple events rag-iyo dumar badan ayaa maalintooda cariiri ahayd oo cidiyaha cunayay, Events-ka dhacayna waxaa ugu yaraan burburay ilaa 16-ganacsi oo yar-yar misana startup business ahaa, waxaana soo qaadan doonaa maantay mid ka mida ganacsiyadaas.

Apple Pay Later
Hadda Gado, Tartiib-tartiib u bixi, dulsaarna majiro ama Interest majiro
mararka qaar waad aragtay dhibka ay leedahay markaa shey meel ka aragto laakiin aad wada gadan karin, maxaa yeelay lacagtaadu kuuma dhamo, waxay tagaysaa in aad lacagtaas raadiso oo aad sheygaas lacagtiis halmar wada bixiso, taasi waxay ahayd caqabad ka jirtay dunida oo idil.
laakiin Apple meeshaan waxaa ay ka argtay fikrad qaali ah.
aan kuu kala dhig-dhigo sida ay fikradaan u shaqaynayso iyo waxa ay tahay
tusaale shaybaad rabtaa in aad iibsato…

1-waxaad galaysaa online store-ka sida Amazon.
2-waxaad aragtay alaabta aad iibsanayso.
3-laakiin qiimaheedu yahay $200, adiga aad haysato kaliya $110.
4-laakiin qaybta hoose waxaad ka arataa add to cart-ama danbiisha ku rido- mise line ay ku qorontahay hadda gado, hadhow bixi ayaaba hoos kuu yaala.
5-waxaad bixisay $150 inta kala tartiib-tartiib ayaad iskaga bixisay.
6-laakiin qofka shaqadaan kuu samaynaayo waxaa uu kugu leeyanay dalaal lacagtiisu udhaxayso 4-6%.

waa deen laakiin laakiin waxaan aniga Mukhtar ahaan ka helay Marketers phrase ka ah Hadda Gado, Hadhow Bixi.
Apple waxaa lagu amaanaa in ay wax walba u samayso sida ugu wacan oo ugu fudud, iyadoo taas kaduulayso ayay waxay hawada ka saartay business-kaan oo horay ujiray, dadbadan oo caqliga u saxiib-ka ah waa ay soo dhaweeyeen arintaan, halka dadkalana ay hurdada udiiday, Apple waxaay ay meesha ka saartay caqabad haysatay macaamiisha iyo ganacsiga.

Macaamiisha waxaa ay ka caawinayso!

1 – Wax qarasha ah habixin.
2 – Wax dalaala lagaama rabo.
3 – Tartiib-tartiib iskaga bixi 7 isbuuc.

Ganacsiyada ku xirmaya Apple waxay ka caawinaysaa!

1 – Wax dalaala oo laga rabin shirkada.
2 – Wax plugins oo lagaa rabin ama API connection oo loo baahnayn.

Shirkadaha ay soo gaartay dhibaatada waxaa kamida, shirkada wayn ee Afterpay.
Affirm
Splitit
Perpay
Klarna
ganacsiyaad oo idil waxa ay u egyihiin kuwa hawada kabixi doono, feature-kaan cusub oo ay shirkadu soo kordhisana waxaa uu kunoqday caqabad ganacsigooda hor taagan.
kasoo qaad waxaad leedahay store wayn, macaamiishaaduna waxaa ay inta badan wataan iPhone oo ay wax kubaxshaan, marka su’aashu waxaa weeye adigoo u jeeda mid la mida
hababkii hore lagaa rabin wax dalaala maxaad u falaysaa kii hore oo lagaa rabay dalaal-ka? wax macnaa masamaynayso.
dadka iyo ganacsiyaduba waxay aadi doonaan habkaan cusub oo free-ga ah, kaasna waxaa uu burburin doonaa shirkada yaryar ee aan kor ku soo xusay.
Gaba-gabadii waxaan aniga ka Jalwa ahaan u arkaa in apple ay leedahay hadaf kan ka wayn haba noqotee in ay dalaal keeni doonto kaasoo kayaraan doona boqolkiiba 70%
shirkadaha kale, kadib markii feature-kaan lala qabsado.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.