[Somalia]
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada howlgalka ATMIS iyo dagaalayahanada Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Buulo-colow oo hoostaga magaalada Baraawe ee gobolkaasi.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay xoogaga Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ee qaybnta ka ah ATMIS ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka oo saacado badan qaatay la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh.
Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkan ayaa guullo ka sheegatay waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 8 askari, halka ay dhaawacday 6 kale, sida ay hadalka u dhigtay.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay howlgalka ATMIS, ex AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay.