free tracking

Al-Shabaab oo sheegatay weerarkii xerada GORGOR

Start
1 min read

[Muqdisho]

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga buuxiyey qaraxyo oo shalay lagu qaaday xero ciidamada Gorgor ay leeyihiin oo ku taalla deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarka uu ahaa howlgal is-miidaamin ah oo qorsheysan oo lagu beegsaday ciidamo duullaan ku ahaa kooxda, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay intaas ku dartay inay weerarka ku dishay 19 askari, kuna dhaawacday 23 kale. Si madax banana looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab.

“Mujaahid Istish-haadi ah ayaa beegsaday ciidamo kamid ah kuwa ay cadawgu usoo carbiyeen la dagaalanka ku dhaqanka shareecada Islaamka ee dalkan Soomaaliya. Dhimashadu waa 19 askari, dhaawucuna waa 23 kale,” Sidaas waxaa yiri Sheekh Cabdicasiis Abu Musca boo ah afhayeenka ciidamada Al-Shabaab.

Abu Muscab ayaa intaas ku daray in dhimashada iyo dhaawaca ay ku jiraan saraakiishii hogaaminaysay ciidamada.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.