free tracking

Ahmed Madoobe ayaa maanta lakulmay sarakiisha amniga

Start
1 min read

[Jubaland]

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Dhoobleey ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga.
Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey wasiirka Amniga Gen: Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Guddoomiyaha maxkamadda sare Cabdishakur Sheikh Maxamed Rashiid, Xeer ilaaliyaha guud  Maxamed Sheekh Cusmaan, Guddoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan, Taliyaha guutada 11-aad qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland ee ka howlgala degmada Dhoobley.

Madaxweynaha ayaa sarakiisha ka dhagaystay warbixinta xaalada amniga Degmada iyo deegaanada ku xeeran.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa darajada labo xidigle u dalacsiiyay sargaalad Miski Maxamed Cali oo katirsan Ciidamada booliska Degmada waxeena ku muteesatay shaqo wanaageeda iyo Sida hufan ee ay ugu adeegto bulshada.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.