free tracking

Africom oo war ka soo saartay duqayn ay ka gaysteen Somalia

Start
1 min read

[Somalia]

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee Soomaaliya ee loo yaqaan Africom, ayaa lagu xusay in ay fuliyeen duqayn cirka ah, duqayntan oo ka dhacday saldhigyo Alshabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Duqayntaan ayaa ka dhacday deegaan aad u fog oo ku dhow deegaan Labikuus oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada kajooga Soomaaliya, Qiimaynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mida ah Al-shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay yaa lagu yiri” war saxaafadeedka kasoo baxay Africom.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri  – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab. si ay uga hortagaan dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka kasoo baxay Mareykanka.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.