Waxaa maantay magaalada Buula-burte ee gabolka Hiiraan gaaray Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha.
Abdirahman Abdishakur ayaa safarka waxa ku wehliyay madax kale iyo sidoo kale hay’adda cunada aduunka WFP iyo UNHCR.
Ergayga iyo wafuudi la socotay ayaa waxa ay magaalada utageen indha indhayn waxayna sidoo kale soo arkeen dhibaato aad u baaxad wayn.
Magaalada Buulo-Burte ayaa muddo dhoor sano ah waxaa go’doomiyay dagaalyahanna Alshabaab, waxaana iyaantaan ka jiray xaalado bani’aadanimo oo daran.