free tracking
/

5 Sabab oo burburin karta ganacsigaaga bilaawga ah.

Hadiid aad aqrinayso warkaan malaha waxay ila tahay in aad bilaabayso ama horay u dhistay ganacsiyo yar-yar oo cusub!

Start
Live
2 mins read

Haddaba kadheeraaw arimahaan aan hoos ku xusi doono si uusan ganacsigaaga bilaawga ah u burburin.

Kolkaad u dhaqaaqdo in aad abuurto ganacsi cusub, kaliya ma aadan dooran in aad ganacsade noqoto laakiin waxaad dooratay in aad la dhiil garayso culaysyo badan oo ay tilaabadaas keeni doonto ama shaqadaas la socda, waxaad u baahan tahay inaad fahanto caqabadahani waxay yihiin iyo sida looga gudbi karo si ganacsigaaga bilwaga ah u guulaysanayo.

Cilmi baaris la sameeyay waxaa la ogaaday in 90% ganacsiyaasha bilawga ah ay ku bur-buraan 2 sano ilaa 5 sano meelahaas, balse markii hoos loo fiiriyo sidaas in ay mar walba tahay maahan, yacnii waxaan ka wadaa ganacsi walba in uu wadadaas marayo maaha, waxaa la ogaaday uu jiro qaladaad dhanka malkiilayaasha ah kaasoo hadii aad iminka iska ilaaliso suura gal tahay in ganacsigaagu guulaysto oo aysan dhicin in albaabada layskugu laabo.

bal aan fiirino dhowr sababood oo keena in ganacsiga bilawga ah uu bur-buro.

Waxaad xooga saaraysaa badeecada — adigoo aan team adag haysan.

Midaan faham waxaa lagaa rabaa inta aadan bilaabin ganacsigaaga in aad haysato oo aad dhisto team adag, ogaaw ganacisiga cusub ma ahan kaliya in aad haysato ama hesho fikrado caalami ah laakiin waa in aad xariir wanaagsan la leedahay bulshada kuwooda doonay in ay ku siiyaan taageero ama ganacsigaaga iyo fikaradaadaba kaa caawinaya in ay hormarto.

Waad ka baqaysaa in aad caawinaad waydiisato

Qof qaas ah majiro dunidaad oo isku heli kara wax walba, markaas sidaas garto oo maskaxdaadu aaminsantahay intaas waxaad ku jirtaa sabuurada ganacsadayaasha dunida, waxaan ka wadaa hadalkaan marba hadaad bilaabayso ganacsi caawinaadu waa muhim, caawinaada waxaa kamida in aad qof waydiisato in uu kuu qabto shaqo ay shirkadaadu ubaahantahay, haday tahay mid xisaabeed iyo mid kalaba, waxaa sidoo kale ka mida in aad waydiisato taageero Maaliyadeed si ganacsigaaga u gaaro yoolkiisa, laga yaabee dalkeena hooyo ee Soomaaliya in aad dadka qaar ka wayso taageero sababtoo ah ma aysan fahmin aragtida ganacsigaaga laakiin waxaa jira dad ciidaas ka badan oo ku fahmaya oo kuu fidinaya gacan taageero.

Ma aadan aqoon sida loo maamulo ganacsi dhab ah.

Marka ay dadku bilaabaan ganacsigooda, inta badan waxay dhisaan ama keensadaan Alaab kadibna iibiyaan iyaga oo aan ka fikirin dhinaca ganacsiga, iyagoo aan aqoonin sida loo maareeyo dhaqaalaha, loola macaamilo shaqaalaha iyo macaamiisha ama loo maareeyo sumcaddooda, kadib waxay ogaanayaan goor dambe inaysan wax fikrad ah ka haysan sida ay u maamulaan shirkaddooda bilawga ah, sidaas darteedna ganacsiyadaas waxay ku guuldareystaan bilo gudahood.

waxaan waa wax dhac mar walba, dadku intooda badan waxay aaminsanyihiin ama u haystaan in ay wax dhisi karaan kadibna iibin karaan, intaa dabadeena shirkadu sidaas iyado isku wadayso oo ay wax walba sidaas quruxda badan ku soconayaan, iyaguna kolkaas kadib ay howlohoodi hore ay dib ugu laabtaan, si kastaba ha ahaatee, howshu sidaas uma shaqeyso, si aad lacag uga sameyso fikradaada bilawga ah, waxaad u baahan tahay inaad fahamto labadaan dhinac – dhisidda wax weyn iyo socodsiinta ganacsi dhab ah.

Bixinta magac aan soo jiidasho lahayn

Halkaan markaan joogno aadbay muhiim u tahay, ma ahan in qof walba uu ku feecanyahay magac bixinta balse xaqiiqdi wax ka xun oo ka saamayn badan majirto in ganacsigaaga bilawga ah yeesho magac liita, magac soo jiidasho leh misana ku haboon ganacsiyaaga waxa uu kaa badbaadinayaa arimahaan, in aad ku faani karin magaca shirkadaada, in aad ka xishooto lawadaagiga qof magac ganacsiigaaga cusub iyo sidoo kale in aad ka badbaado qarashka ku bixi kara badalida magaca ganacsigaaga.

sifooyinkaan u fiiri markaad shirkadaada siinayso magac

1-In magaca uu ahaado mid xasuus leh.

2- In Magaca ganacsigaaga ahaado mid fudud oo lagu dhawaaqi karo.

3- Magaca sidoo kale waa inuu yahay mid hingaadiisu fududahay.

Sida ugu wanaagsan ee ay dadku u xasuusan karaan waxa uu qabanayo ganacsigaagu waa adiga oo hubiya in magaciisa yahay mid qurux badan oo soo jiidasho leh.

intaadan isku dayin ka hor ayaad quusatay

Guuldarada waa in loo arkaa fursad koritaan, ee ma aha calaamad muujinaysa in ay ku haboontahay in aad howshaan faraha kala baxdo oo aad iska dayso.

Waxaan ka faa’iidaysan karnaa dhammaan fursadaha ka yimaadda guuldarada, sida faallo-celinta, wax kabarashada qaladaadki hore iyo dadaallada turxaan bixinta mustaqbalka, waxaan kala jeedaa markaad guuldaraysato oo aad wax kabarato qaladaadkaas waxay kuu fududaynaysaa mustaqbalka in aadan markale ku dhicin godkaas.

Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan DhaqaalahaGanacsigayadaMaaliyadaCaafimaadka iyo Teknoolajiyada.

Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.