Waxaa bilaawday Sanad cusub oo oo bishiishi 1aad Kala bar sii marayso taasoo micneheeduna yahay in fasaxyadii sanadka soo gabgaboobeen, macquul in aad aragtay sicir-bararka kajira dunida iyo canshuurta faraha badan ee jirta, markaan nolosheena fiirino waxaa isticmaalka qarashkeenu gaaraa in kabadan intaan awoodno, waxaan iibsanaa agab aan sidaa muhiim noogu ahayn, agabka naga maqan waxaa uu nalayahay muhiim balse kolkaad kubixiso lacag oo aad soo biibsato wax nafci ah mayeesho, maxaan ula jeedaa ? Yacnii waxaa muhiimka nala leh waxa naga maqan goor walba, taasina waa mida noo maaliyad xumo.

Waxaan isleeyahay waa markii aad qaadan lahayd break yar oo aad xakamayn iyo tababar iskugu dari lahayd naftaada iyo in aad garato waxa muhiimka u ah, naftaada waad bari kadhaa in ay kaliya doorato waxa muhiimka u ah.
Inkastoo ay jiraan systems kala duwan oo aad kala socon karto performance –gaaga maaliyadeed, misana waxaan ku soo bandhigi 5 qodob oo aan wax kabartay intii aan mowduucaan wax ka qoraayay, waxaan isleeyahay adiga aqrisanayana waa ay kugu yeelan doonaan isbadal.
Deji ama dib u eeg 2 ama 3 sano ee la soo dhaafay yoolashaadi maaliyadeed.
In aad sidaas samayso maxay soo kordhin, ugu horayn Lacag ama in aad dhaqaalo hesho waxaa ay abuuraysaa qiimo ah in aad gaarto hadafyo badan oo nolosha ka leedahay haday noqoto in aad dhisato family, in aad guri ama meel aad seexato gadato ama kiradiisa iska bixin karto, in caruurtaada school kooda ama waxbarashadooda bixin karto iyo in family-kaaga siin karto wax walboo ay kaaga baahdaan, hadii aadan horay usamayn wax hadaf maaliyadeed ah iminka ayaa lagaa rabaa taas, meel hawo qabow oo coffee ama shaaxaaga kuu dheeryahay fariiso kadibna waxaad qorataa 5 ama 6 yool oo aad rabto in aad gaarto laakiin ogaaw 5 ama 6-daas waxaa ka qaadanaysaa 3 kamida kuwaas oo iminka muhiim saaid ah kuu ah.
Markaad sidaas samayso waxaad tilaabo wacan u qaaday hagaajinta dhaqaalahaaga, 5 ama 6 hadaf ee aad qoratay waxaad u kala qaadaa kuwa ah:
- Yoolalka muddada gaaban – kuwaas oo aad jeceshahay in aad gaarto mudo aad udhow sida 2 ama 3 sano guduhood.
- Yoolalka muddada dhexe – kuwaas oo aad rajaynayso in ku gaarto mudo 3 ilaa 10 sano ah
- Yoolalka mustaqbalka fog – waana kuwa u danbeeya oo aad jeceshahay in aad ku gaarto 10 sano in kabadan.
1979-kii jamacada Harvard University qaybteeda dhaqaalaha waxaa ay samaysay baaritaan kaas oo lagu ogaaday in aad qorto hadafkaaga dhaqaale uu sababayo in aad gaarto inta ugu badan hadafyadaada.
Wax yar ii sug aan dib ugu laabto sida wax u dheceen.
Ardayda fasalka dhaqaalaha ayaa lawaydiiyay hadafyadooda dhaqaale 84% waxay ubaahdeen in ay hadafyadooda ka fakiraan, 13% waxaa ay lahaayeen hadafyo balse aysan wali qorin halka 3% soo bandhigeen hadafyadooda maaliyadeed ee uqornaa, 10 sano kadib ayaa la ogaaday 13% kuwii hadafyada lahaa balse qorin in ay heleen lacag laba jabaar kabadan 84% ee aan lahayn yoolkii.
halkaan ufiirso qoladii 3% ee qoray hadafyadooda dhaqaale waxaa ay 10 jabaar ka maal bateen 13% kuwii hadafyada lahaa balse aan qorin.
Marka maantay qoraalka aad samaysay ama barito aad samayn doonto waa mid kuu horseedi doona guul aad ka gaarto yoolalkaaga maaliyadeed.
Qaybteena labaad ayaan isku arki doonaa nabad galyo.
Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan Dhaqaalaha, Ganacsigayada, Maaliyada, Caafimaadka iyo Teknoolajiyada.
Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤