free tracking

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐šraha ayaa ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐›๐ง๐จ ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

Start
1 min read

[Muqdisho]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo latashiyo ku saabsan dhismaha xukuumadda la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, ayaa maanta qaabilay maamuleyaasha warbaahinta ka howl-gasha gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda saxaafadda, in xukuumaddiisu ay mudnaan siinayso daah furnaanta shaqada dowladda iyo xogsiinta shacabka, waxa uuna  tilmaamay doorka ku aaddan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka fikradaha argagixisada ee laga sugayo warbaahinta in ay dardar geliyaan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa adkeeyey doorka Xukuumadda ee ku aaddan  dhowridda xorriyadda hadalka, xuquuqda Warbaahinta iyo badqabka wariyeyaasha, isagoo ku bogaadiyey shaqada ku aaddan xogsiinta iyo wacyigelinta ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta ka howl-gala dalka, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, taas oo aas-aas u ah xaqiijinta xorriyadda iyo madax-bannaanida saxaafadda,  iyagoo la wadaagay tallooyin la xiriira qaabka ay u wada shaqeyn karaan warbaahinta iyo dowladda.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

ย 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

ยฉ 2023. Waddani Times. All rights reserved.